Hay'adda nabad sugida Koonfur galbeed oo soo bandhigtay sarkaal katirsan Alshabaab
Jimco, April, 29, 2022 (HOL) - Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee maamulka Koonfur
Galbeed ayaa oo soo bandhigtay mid kamid ah saraakiisha Alshabaab oo lagu
magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq.
Sarkalkaan ayaa Alshabaab u qaabilsanaa Weerarada isagoona
muddo 8-sano uu ka tirsanaa, wuxuuna madax u ahaa koox jabhad ah oo tira ahaan
uu ku sheegay 400-Askari.
Waxaa uu sheegay inuu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka
dhacey Gobolada Jubooyinka iyo Baay. Hay'adda Nabadsugida ayaa soo bandhigtey
hub uu kala soo goostey Kooxdii uu ka tirsanaa oo ay kamid yihiin 2-qori oo
AK47 & 1-beekam ah.
“Ciise Cumar Deerow oo ah Horjoogaha isku soo dhiibey
Ciidamada Nabdsugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqey inuu
fahmey dhibaatada ay shacabka u maleegayaan Kooxda Nabad-diidka ah, wuxuuna
sidoo kale sheegay in dhalinyarada la marin-habaabiyey oo la qaldey loona
sheegey Fikir xagjirnimo ah ay wada Fahmeen oo ay go’aansadeen inay dib ula mid
noqdaan Shacabkooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda nabad sugida
Koonfur galbeed.
Sarkalkan waxa uu sheegey in sababta uu usoo goostay ay qeyb
ka tahay go'doominta gobolada uu kasoo
jeedo, taasoo uu ku tilmaamay Fikir qaldan oo shacabka lagu dhibaateeyay.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]