Cismaan Salaad Daahir oo loo yaqaanay Atooraha xeebta Liido oo Muqdisho lagu dilay
Jimco, April, 29, 2022 (HOL) - Cismaan Salaad Daahir oo loo yaqaanay Atooraha xeebta Liido,
islamarkaana ahaa askari katirsan ciiddanka booliiska Sooamaaliyeed, ayaa
shalay galab lagu dilay magaalada Muqdisho.
Cismaan Salaad Daahir ayaa xilliga la dilayay waxaa uu afur
u qeybinayay dad masaakiin ah oo ku sugnaa xaafadda Taleex ee degmada Hodan,
halkaas oo galabta kasta lagu arki jiray.
Muuqaal maalmo ka hor laga duubay ayuu dadka ku
baraarujinayay in dadka masaakiinta la caawiyo, isagoo lacagaha uu shacab kasoo
aruriyo u qeybin jiray hooyooyinka danyarta ah iyo waayeelka kale.
Geeridiisa ayaa ahayd mid aad looga naxo, oo ay dareemeen
dhalinyarada magaalada Muqdisho, uu u ahaan jiray madadaaliye iyo wacyi galiye
ku dhiirri galinaya inay iscaawiyaan.
Ka hor inta uusan booliiska Soomaaliya ku biirin, waxaa uu
caan ku ahaa inuu xeebta Liido dhallinyarada ugu qaban jiray barnaamijyo
madadaalo ah oo ay dadku aad u jeclaayeen.
Lama garanayo cidda ka dambeysa iyo sababta loo dilayo
Atooraha badda, inkastoo qof kaste oo xiran shaatiga dowladda uu beegsi u yahay
Alshabaab.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]