Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Musharaxa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Wadddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa been abuur ku tilmaamay warka sheegaya in uu ciidamo argagixiso ah Xamar ka keenay.
Cirro ayaa warka wasiir Kaahin ku tilmaamay kaarto uu dhowr jeer isticmaalay balse uu waxba ku waayay, waxaanu sheegay in siyaasadu anay been ahayn.
"Waxa Ina Kaahin caawa sheegay, waa beentii uu awalba caadeystay ee wax cusub maaha, waa been abuur aan sal iyo raad toonna lahayn, waa kaadh aad marar badan xoqday balse aad ku guul darraysatay. Siyaasadduna been & Qaaxoolaji maaha" ayuu yidhi Cirro.
Wasiir Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Cirro ayaa isku maan dhaafsan halka lagu qabanayo mudaharaadka berri qorshaysan, isla markaana labada dhinac ayaa eedo warbaahinta isku marinaya.
Labada dhinac ayuu midba dhinaca kale ku eedeeyay in uu haysto ciidamo loogu talo galay in ay amaanka khal khal galiyaan.
Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]