Hiiraan Online
11/14/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Aug 20, 2022
15 qof oo ku geeriyooday weerarka Alshabaab ku qaadeen hotel Xayaat
Sabti, Agoosto, 20, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka ay dagaalamayaal katirsan Al-shabaab ku qaadeen hoteel Xayaat oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Ciidamada dowladda federaalka ayaa wali ku howlan sidii ay u soo afjari lahaayeen Alshabaabka dhex dagaalamaya hoteelka iyadoo weli la maqlayo rasaas iyo qaraxyo xooggan.
Qeybaha sare ee hotelka ayaa waxaa gaaray burbur xooggan, iyadoo ciidamada amnigu ay qarxiyeen miinooyin Alshabaab ku xireen gudaha hoteelka, taasoo adkaysay in ciidamadu u dhawaadaan dableyda Alshabaab.
Dadka ku geeriyooday weerarkan waxaa kamid ah, Cabdiraxmaan Xasan Iimaan oo ahaa milkiilaha hoteel Xayaat. Sidoo kale Cabdihadi Maxamed Sheekh Aadan oo Soomaali-Norwegian ah oo la shaqeynayay Wasaaradda Batroolka ee dowladda Federaalka ayaa ku geeriyooday.
Waa mid kamid ah weeraradii ugu waqtiga dheeraa ee Alshabaab Muqdisho ka geystaan. Wuxuu kusoo beegmay xilli magaaladu ay ka nasatay weerarada nuucaan ah.