Hiiraan Online
11/13/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2022
R/Wasaare Xamse: Dalkaan waxba lagama qaban-karo haddii aanan Shabaab laga xureyn
Arbaco, July 13, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta kulan la qaatay agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha iyo hay'addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya u sheegay in Shabaab ay yihiin dhibaatada ugu weyn ee dalkaan hor-taagan.
R/Wasaare Xamse ayaa hoosta ka xariiqay muhimadda ay leedahay in dalkaan uusan horumar ku tallaabsan karin inta dhibaata shabaab taagan tahay.
Wuxuu sidoo kale u sheegay Raysal wasaaraha Soomaaliya Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha in ahmiyada ugu weyn ay tahay sidii looga shaqeyn lahaa in dalka laga xoreeyo Al-shabaab.
"Dalka waxaa ka jirta xaalad abaar oo aad u daran mana jirto meel wax la gaarsiin karo. Waddo kasta waxaa taagan al-Shabaab. Suura-gal ma aha in diyaarad loo isticmaala xaaladda abaar ee maanta ka taagan dalka. Meelaha qaarkoo xataa dayaarad ma tagi-karto oo ma laha garoon dayaaradeed, marka waxaa waajib inaga saaran inaan dadkaasi gurnad gaarsiino oo aan Al-shabaab ka xoreyno" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.
Raysal wasaaraha cusub ayaa tan iyo magacaabistiisi kadib ka waday kulamo uu ku dardar galinayo howlaha adag ee horyaala. Kulanka uu maanta la yeeshay agaasimayaasha guud ayaa u muuqda in dowladda madaxeyen Xasan Sheikh Maxamuud ay u diyaar-garoobeyso dagaal ka dhan al-Shabaab.