Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
Jimco, Luulyo, 15, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Port Elizabeth ee dalka
Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi Xalay kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah
ay ku dhex dileen goobtiisa ganacsi Muwaadin Soomaaliyeed oo ku noola dalkaasi.
Ganacasadaha Soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaasi Koonfur
Afrika ayaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cali, waxaana burcada ay ku dhex
toogteen gudaha dukaankiisa oo ku yaalay xaafada New Brighton oo ka tirsan
magalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.
Dilka Muwaadinka Soomaaliyeed kadib waxaa goobta gaaray
ciidamo ka ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo sida caadada u
aheyd sameeyay baaritaano kooban oo la sheegay ineysan kasoo bixin wax natiijo
ah, maadama burcada ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta ka hor inta aysan
ciidanku tagin.
Koonfur Afrika waxaa maalmahii lasoo dhaafay kusoo
kordhaayay dilalka iyo beegsiga lagu haayo ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo
dowladda dalkaasi mar walba ay sheegto iney wax ka qabaneyso dhibaatada iyo
dilalka lagu haayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u ganacsi tagay,
hadana ma muuqato wax isbadal ah ama ficil ah oo ay dowladda dalkaasi sameysay.
Shalay ayay aheyd markii ganacsatada Soomaaliyeed ee ku
sugan magaalada Cape Town ay xarig iyo jirdilo xoogan ay kala kulmeen ciidamo
ka tirsan kuwa dalka Koonfur Afrika oo u xil saarana sugitaanka amaanka dadka
ajaaniibta ah, hayeeshee iyagii amniga loogu talo galay ay bilaabeen
dhibaateynta dad ajaaniibta ah oo markii horeba ku dhib qabay burcada hubeysan
ee u dhalatay dalkaasi.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]