Hiiraan Online
11/13/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2022
Ergayga abaaraha Soomaaliya oo doonaya inuu indhaha caalamka kusoo jeediyo wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya
Khamiis, September, 15, 2022 (HOL) - Ergeyga abaaraha Soomaaliya oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa doonaya inuu caalamka kusoo jeediyo wax ka qabashada dhibaatada abaraha ka jira Soomaaliya iyo in gargaar dheeri ah loo helo.
Cabdiraxmaan Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo wareysi siiyay wakaalada wararka ee AFP, ayaa sheegay inay malaayiin qof halis ugu jiraan inay macaluul u dhintaan guud ahaan Soomaaliya.
Ergayga abaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay inay ka jirto abaartii ugu darnayd muddo afartan sano ah kadib afar xilli oo roobaadkii ay di’i waayeen, taasoo uu sheegay inay sababtay in xoolihii iyo dalaggii ay dhammaadaan.
"Waxaan halkan u joognaa olole aan ugu soo jeedineyno dareenkiinna dhibaatada baaxadda leh iyo heerka ay marayso masiibada bini'aadannimo ee Soomaaliya," ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u sheegeay wakaaladda wararka ee AFP.
kulamo uu la yeeshay hay'adaha Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah tan iyo bilowgii toddobaadka, ayuu sheegay in weli farqi weyn" uu u dhexeeyo gargaarka la ballanqaaday iyo baahida dhaqaale ee Soomaaliya.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay dhamaadkii bishii Ogosto inay heshay 67% ka mid ah 1.5 bilyan oo doolar oo ah gargaarkii loogu talagalay wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya.