1/6/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 8 , 2023
Wasiir Doodishe: Dowladdu waxay diyaarisay 15kun oo askari oo diyaar ah wajiga labaad howgalka Shabaab
 

Talaado, Agoosto, 8, 2023 (HOL) - Wasiirka amniga Dowladda Soomaaliya, Dr. Maxamed Axmed Sheikh Cali (Doodishe), ayaa sheegay in dowladdu diyaarisay 15 kun oo askari oo ka qeyb galaya wejiga labaad ee howlgallada dalka looga xoraynayo kooxda Alshabaab.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in todobadii bilood ee ugu dambeysay ay dowladda federaalku ku jirtay diyaarinta iyo qalabaynta ciidamada ka qeyb qaadanaya xoraynta dalka. Sababtaas ayuu ku sheegay midda keentay inuu hakad ku yimaada wajiga 2-aad howlgalka.

“7dii Bilood ee la soo dhaafay dowladdu waxaa ay diyaarisay 15 kun oo ciidamo dheeraad ah kuwaas oo hadda badankoodu u baxay furimaha dagaalka", ayuu yiri wasiir Doodishe.

Wuxuu sheegay dagaalka Alshabaab kula jirto dowladda, in uu yahay dagaal ay ku doonayso in ay ku tirtirto jiritaanka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in ay dadka Soomaaliyeed kala dagaalameen dhinaca kaste oo nolashooda ah.

Wuxuu sheegay wasiirku dowladda in ay u istaagtay inay soo afjarto Alshabaab, isagoo sheegay in loo qalab qaatay sidii looga xorayn lahaa meelaha kooban ee ay ku harsan yihiin.