12/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 25, 2023
Hannaanka xaqiijinta in Soomaaliya EAC ku biirto oo maanta si rasmi ah u bilowday

Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa si rasmi ah u bilaabatay howl gal xaqiijin ah si ay u qiimeyso u diyaargarowga Soomaaliya ee ku biirista ururkan.

Saraakiil sarsare oo ka socda dhammaan dowladaha xubnaha ka ah EAC ayaa howlaha qiimaynta geedi socodka maanta oo Arbaco ah ka billaabay magaalada Muqdisho.

Kooxaha xaqiijinta dalalka cusub ee ku biiraya EAC , waxay ka kooban yihiin ugu yaraan saddex sarkaal oo ka tirsan dawladaha iskaashiga laleh EAC.

"Maanta waxaan bilownay howsha rasmiga ah ee xaqiijinta rasmiga ah ee ku wajahan gelitaanka Soomaali ee bulshada Bariga Afrika. Xoghayaha guud ee EAC Peter Mathatti

Loolanka loogu jiro in Soomaaliya ay noqoto xubinta 8-aad ee Urur Goboleedka Bariga Afrika ayaa u muuqata inay ku socoto jidka saxda ah, maadaama dhammaan xubnuhu ay u heellan yihiin in la helo dalka leh xeebta ugu dheer oo qayb ka ah ganacsiga EAC.

Bulshada Bariga Afrika (EAC) waa urur goboleed ay ku midaysan yihiin 7 dawladood oo Partner ah, kuwaas oo ka kooban Burundi, Congo, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Uganda iyo Tanzania.