12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 27, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh "Caalamka iyo inta badan dadka Soomaaliyeed kuma qanacsaneen howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab"
 

Jimco, January, 27, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga sheekeeyay hanaanka uu ku bilawday howlgalada Militari ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo uu sheegay in markii uu bilaabanaayay aysan la dhalacsanen inta badan dadka Soomaaliyeed iyo Caalamka, hayeeshee howlgalka lagu qancay markii Al-shabaab laga saaray deegaano badan.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in howlgalka uu ahaa mid loo dhabar adeegay oo ay fuliyeen Soomaali kaligeed, taasi oo dhadhan la taaban karo u sii yeeshay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

“Nimankaas waa la iska dhicin karaa, si baa la yeeli karaa iyo mishkiladdooda waala xalin karaa xitaa caalamka kuma qanacsaneen laakiin maanta waa lagu wada qancay alle mahadi, guulo ayaa la gaaray welina way noo dhiman yihiin, waxa ay guushu dhadhan la leedahay waa Soomaali keligeed ayay gaartay, Walalaha ama dadka saaxiibada ah ee Afrika & caalamka kale ka socda wax badan ayay soo qabteen balse howshaan inaga ayaa u xeed xeedanay, Wiilasheena, Gabdhaheena, Culimadeena, Odoyaasheena nabadoonnada ah iyo dhamaan bulshadeena ayaa u istaagay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed dhiiranaantooda ay horseeday in Al-shabaab laga qabsado inta badan deegaanadii ay ka talin jireen ee gobolada dalka, isagoona ku baaqay in la kordhiyo shirarka la isugu keenayo bulshada qeybaheeda kala duwan si la isaga kaashado horumarka dalka.

“Waan tabar yar nahay laakiin ma ahan waxa aad heysato balse waa qalbiga, haddii aadan qalbiga ka tabar yareyn cid kaa xoog badan ma jirto, haddii qalbiga ka liidatid wax weliba heyso awood ma lihid” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan ka jeediyay Xalay casha sharaf uu u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee shalay galinkii dambe Muqdisho ugu soo gabagaboobay shirweyne halkaasi ay ku lahayeen sadax maalmood ee lasoo dhaafay.