12/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2023
UK oo ku boorisay beesha caalamka inay taageero caalami ah siiyaan Soomaaliya
 

Jimco, Juun, 23, 2023 (HOL) - Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay taageersan tahay horumarka Soomaaliya ay ka sameyneyso isbedelada dhanka siyaasadda, waxaana ay beesha caalamka ka codsatay in ay kaalmo gaarsiiso dalka.

Wakiilka joogtada UK ee QM, Barbara Woodward ayaa hadalkan ka sheegtay shirka Golaha Ammaanka  oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, iyadoo soo dhaweysay joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ku ammaantay warbixintii uu golaha siiyay.

Danjiraha boqortooyada Ingiriiska waxay soo dhawaysay sida ay uga go'an tahay Madaxweyne Xasan Sheikh isbedellada siyaasadeed, oo ay ku jiraan dib-u-habaynta waxbarashada.

Danjire Woodward waxay carrabka ku adkeeysay in lagama maarmaan ay tahay in la helo hannaan loo dhan yahay oo wadatashi ah oo ku saabsan dib-u-eegista dastuurka.

Waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada oo ay ku jirto Puntland inay si wax ku ool ah uga qayb-qaataan dowlad dhiska dalka.