Jimco, Juun, 23, 2023 (HOL) - Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, S/Gaas, Odowaa Yuusuf Raage, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababtii dhawaan xilka looga qaaday, kadib wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaliga ee VOA-da.
Gen. Odowaa Raage, oo Isniintii lagu bedelay General Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, ayaa go’aanka dowladda ku tilmaamay mid isbedel ku yimid maamulka ciidanka. Waxa uu ku celceliyay in aanu ka qoomamayn isbeddelkaas.
Odowaa waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, taasoo sabab u ahayd xil ka qaadistiisa.
“Ciidanka iyo wasaaraddu waa hay’ado madax-bannaan.“Madaxweyne Xasan 100% kalsooni ayuu ku qabaa howshaas, muhiimna ma ahan cidda la magacaabay iyo cidda hadda joogta. Waxa muhiimka ah waa inaan gudanno waajibaadkeena oo aan u gudanno sida ugu wanaagsan ee aan awoodno,” ayuu yiri Odowaa.
Isagoo ka hadlayay sida ay u socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayuu taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka rajo wanaagsan ka muujiyay.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay horumarrada ay sameynayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya muddooyinkii dambe, ha ahaato dhanka tirada iyo tayada ciidamada.