12/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2023
Garaad Cabdisalaan oo ka warbixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ee Laascaanood
 

Axad, Maarso, 19, 2023 (HOL) - Garaad Cabdisalaan Xasan oo kamid ah garaadada ku sugan Laascaanood, ayaa sheegay in ay dagaalkii shalay ay 30 qof dhankooda kaga dhinteen, isla markaana 60 kale ay kaga dhaawacmeen.

Garaadka oo waraysi siiyay Brit TV, ayaa sheegay in la tira koobay tirada dhankooda kaga dhimatay dagaalkii shalay foolka foolka ahaa ee ciidamada Somaliland iyo xoogaga ku dhexmaray dagaalka.

"Dhimashadu waa 30, dhaawacuna waa ilaa 60 inkasta oo uu kala culusyahay, in badan waa la qaaday, in badan oo hadeer iyo berri la qaadayaana way jiraan, Garoowe iyo Xamar iyo meeshii wax lagaga qaban karaba waa la gaynayaa" ayuu yidhi garaadku.

Dagaalka oo bilaabmay galinkii danbe ee habeenkii Sabtida, ayaa socda muddo 8 saacadood ka badan, iyada oo dhinacyadu ay sheegeen in ay maxaabiis ,baabuur iyo hub kala qabsadeen, garaadada ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay laysay maxabiistii ay qabatay.

Somaliland ayaa sheegtay in Puntland ay dagaalka hogaaminaysay iyadoo garaadadu ay arrinta beeniyeen, ayna sheegeen in anay jirin gacan uu maamulka Puntland dagaalka ku leeyahay.

Dhexdhexaadin ay dowlada Itoobiya dhinacyada ka dhex waday, ayaan ilaa iyo hada guul laga gaadhin, isla markaana garaadada ayaa ku doodaya in ayna wadahadal furi karin, inta ciidamada Somaliland joogaan dhulka SSC.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]