12/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2023
Wasiir Koore oo ka jawaabay weerar la sheegay in lagu qaaday

Khamiis, Maarso, 23, 2023 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa beeniyay warar warbaahinta qaar qortay oo sheegayay in ciidamo hubaysani ay xafiiskiisa ku weerareen.

Wasiir Koore ayaa sheegay in aanu isagu akhrisan wararka laga qoro, isla markaana anay dhibaynin, lakiin markasta qaraabada iyo asxaabtiisu ay ka murugoodan oo ay run u qaataan, isaga oo beeniyay wararka maalmihii u danbeeyay qaar kamid ah warbaahinta baraha bulshadu faafinaysay.

"Mar ay yidhaaahdan waa la weerayay iyo mar ay yidhaahdan wuu is casilay, subax kasta oo aan soo kaco war ayaa la ii sheegaa, markaa dad badan oo ku yaqaana ayuu dhibaya warka beenta ahi, oo u qaadanaya run, waxan leeyahay waxa ay sheegayaan waa waxba kama jiraan" ayuu yidhi Koore.

Warbaahinta wararkan baahisay ayaa sheegtay in ciidamo ka gadoodsan askar ku dhintay dagaalka Laascaanood ay wasiirka ku weerareen xafiiskiisa, iyaga oo ka cadhaysan dagaalka sii soconaya.

Wasiir Koore oo ah afhayeenka xukuumada Somaliland ayaa kamid ah saraakiil mudooyinkii u danbeeyay ku howlanaa xal u helista colaada Laascaanood, isagoo muddo badan ku sugnaa magaalada Laascaanood.