Sabti, October, 21, 2023 (HOL) - Qarax weyn oo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.
Qaraxaan oo dhacay saakay aroortii ayaa lagu weeraray saldhig ciidanka Booliiska Milatariga ay ku lahaayeen gudaha Ceelasha biyaha, lamana oga khasaaraha ka dhashay.
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, iyagoo sheegay inay ku dileen 49 askari oo katirsanaa ciidankii ku sugnaa gudaha saldhigga la weeraray ee Ceelasha biyaha. Mase jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxda Alshabaab.
Sawirro lagasoo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya burbur xooggan oo ka dhashay qaraaxaan. Guryo ay leeyihiin dad shacab ah ayay waxyeelo kasoo gaartay.
Hay'adaha amniga ee dowladda weli kama hadlin qaraxaan, wuxuuna kusoo beegmay, iyadoo Alshabaab ay kordhiyeen qaraxyada ismiidaaminta ah ee lala beegsanayo goobaha ciidanku ay ku sugan yihiin.