1/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 22, 2023
Puntland: xisbiyada mucaaradka oo ka horyimid qorshaha doorashada ee madaxweyne Deni

Axad, October, 22, 2023 (HOL) - Saddex kamid ah xisbiyadii siyaasadeed ee lagu tirinayay inay u janjeeraan dhinaca madaxweyne Deni, ayaa ka horyimid qorshe madaxweyne Deni uu watay oo ahaa  in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay doortaan shacabka.

Saddexdan xisbi, ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Garowe, waxay ku baaqeen, si loo ilaaliyo xasiloonida iyo nabadda Puntland, in  baarlamaan ku yimid codka shacabka ay doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Xisbiyadan ayaa sheegay haddii madaxweyne Deni uu ka horyimaado qorshahan inay qaadayaan tallaabo kaste oo looga hortagi karo damaca Deni.

Waxay sidoo kale soo jeediyeen in musharraxiinta aan ku jirin xisbiyada loo oggolaado inay si madax bannaan uga qeyb galaan doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka, si fursad loo siiyo musharraxiinta aan kamid ahayn xisbiyada jira.

Si kastaba ha ahaatee, go'aan kasoo baxay xisbiyadan ayaa loo arkaa inuu kusoo beegmay kaddib markii dhawaan madaxweyne Deni uu kulan la qaatay xibsiyadan, una sheegay inuu doonayo in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay doortaan shacabka, sidoo kalena doorashada baarlamaanka dib loo dhigo muddo labo sano ah.