Axad, September, 10, 2023 (HOL) - Jahhada buurta Gacanlibaax ayaa baabuur ay leedahay Wasaarada Biyaha Somaliland kasoo afduubtay degmada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer, waxayna sheegeen in ay weeraro kale qaadi doonaan.
Muuqaal ay iska soo duubeen kadib markii ay baabuurka la yimaadeen buurta Gacanlibaax, ayay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ugu baaqeen in ay iscasilaan, iyaga oo sheegay in anay weerarada joojin doonin.
"Ina Kaahin iyo Muuse Biixi haday shacabka u tudhayaan xilka hayska casilaan, si nabadgalyo iyo wadanoolaansho u timaado, hadii kale sidaa aanu dhoqoshay u imanayno ayaanu Oogna u iman karnaa, madaxtooyadana waanu iman doonaa" Mid kamid ah jabhada ayaa sida yidhi.
Odayaasha dhaqanka ee beesha ay jabhadu kasoo jeedo ayaa maalmahan ku sugnaa Gacanlibaax, iyaga oo isku dayaya in ay jabhada ku qanciyaan in ay hubka dhigto, lakiin taasi ayaan wali lagu guulaysan.
Dhanaca kale, xukuumada Somaliland ayaa cafis u fidisay xubnaha jabhada, kadib markii ay odayaasha dhaqanku xukuumada usoo jeediyeen in ay cafiso, isla markaana arrintooda halkaa lagu dhameeyo.