1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo ku adkeysanaysa in lahadalka Itoobiya ku xiran yahay inay ka baxdo heshiiskii Somaliland
 

Axad, December, 1, 2024 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania, Ilyaas Cali Xasan ayaa ku celiyay mowqifka dowladda ee damaca Itoobiya ee heshiiskii ay Somaliland horaantii sanadkaan kula gashay magaalada Addis Ababa si Itoobiya ay u hesho Marin badeed iyo saldhig military.

"Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, mowqifkeedu wuxuu weli yahay mid aan isbeddelin: Ilaa heshiiskii is-afgarad ee Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid waxba kama jiraan ah, islamarkaana la xushmeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya" ayuu ku yiri Danjire Ilyaas qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa X.

Hadalka Danjiraha ayaa imaanaya kadib saacado uun Shirkii jaraaid ee uu Tanzania kaga sheegay Madaxweynaha Kenya William Ruto in Dowladiisa iyo Uganda ay dhex dhexaadin doonaan Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shacabka Soomaaliya ayaa dhowraya marka laga soo tago hadalka uu safiirka ka dhawaajiyay sida ay Hogaanka sare ee Dowladda soojeedinta Ruto ay ula falgali doonaan iyo sida ay ugu adkeeysan doonaan mowqifkoodi hore.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaalo caalami ah ay ku bixisay sidii Itoobiya cadaadis loogu saari lahaa inay ka laabato heshiiska ay lagashay Somaliland waxaana ay dhammaan dadaaladaasi ay keeneen inaan wali la dhaqaajinin heshiiska ay Somaliland iyo Itoobiya wada galeen.