1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2024
Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda oo dhex dhexaadin doona khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya
 

Axad, December, 1, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay isaga iyo Madaxweynaha Uganda inay ka wada shaqaynayaan sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen horaantii sanadkan bishii January.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in aysan la kulmi doonin madaxda Itoobiya illaa ay ka noqdaan heshiiskii ay la galeen Somaliland.

Madaxweyne Ruto waxa uu yiri, “Amniga Soomaaliya waxa uu si weyn uga qayb qaadanayaa xasilloonida gobolkeena waxa uuna abuuraa jawi ay maalgashadayaasha, ganacsatada, iyo hal-abuurada ku horumari karaan.”

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxda Kenya iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiis amni oo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo Soomaaliyana ay kasoo horjeedo doorka Itoobiya ee howlgalka cusub ee AUSSOM, sababo la xiriira is-fahamka sharci-darrada ah ee ay la gashay Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in mowqifka Madaxweyne Xasan Sheekh ee arrintan uu wax iska beddelay iyo in kale.