1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2024
Tirada ciidanka Jubbaland ee ku biiraya kuwa dowladda Fedaraalka oo sii kordhaysa
 

Axad, December, 1, 2024 (HOL) - Waxaa maanta markale ku biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose ciidamo badan oo ka tirsana kuwa maamul goboleedka Jubbaland.

Ciidamadaan ka tirsana Jubbaland ee maanta ku biiray kuwa xoogga dalka ayaa deegaanka Raas Kambooni ku gaaray ilaa afar doomood, waxaana soo dhaweyn heer sare ah u sameeyay ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee dhawaan la geeyay Raas kambooni.

"Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka geesiyaasha ah ee Qaranka qaybtooda Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo isku diyaarinaya in cadowga Khawaarijta ah ka xoreeyaan deegaannada ay ka joogaan Jubbaland" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Mid ka mid ah saraakiisha hoggaamineysay ciidanka Jubbaland ka tirsanaa ee kusoo biiray ciidamada dowladda Fedaraalka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la shaqeeyo ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

"Anigu wax dowladd ah horay uma soo arkin tii Siyaad barana sooma gaarin waana ku faraxsanahay inaan hada dowlada dadaalkeeda uu nasoo gaaray, u jeedkeenu mahan inan nambar iyo xuquuq kale helno waa inaan dowladnimada garab istaagno oo aan si wadajir ah cadawga uga xureyo guud ahaan dalka" ayuu yiri Sarkaal u hadlay ciidanka Jubbaland ee ku biiray kuwa dowladda Fedaraalka.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dowladda Fedaraalka ay geysay deegaanka Raas kambooni ciidamo lagu daabulay diyaarado oo laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana tan iyo markii ay tageen deegaankaas ciidanka dowladda kusoo biirayay ciidamo ka tirsanaa kuwa Jubbaland.