Axad, December, 1, 2024 (HOL) - Ha’yadda Puntland ee La-dagaallanka AIDS-ka (PAC) ayaa soo bandhigtay xog muujineysa in guud ahaan 646 qof ay qaataan daawooyinka HIV ee Puntland.
Xogtaan ayaa lagu soo bandhigay munaasabadda lagu xusayay Maalinta AIDS-ka Adduunka.
Magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso, iyo Garoowe ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee dadka qaba HIV ay ka helaan daawooyinka, sida ay PAC sheegtay. Tirakoobka ayaa sidaan ah:
Gaalkacyo: 205 qof
Garoowe: 197 qof
Boosaaso: 181 qof
Qardho: 54 qof
Badhan: 9 qof
Hay'adda PAC ayaa intaa ku dartay in tiradaasi aysan ahayn guud ahaan dadka qaba xanuunka HIV ee Puntland, maaddaama ay jiraan dad laga helay xanuunka balse aan qaadan daawooyinka.
Agaasimaha hay’adda la dagaalanka AIDs-ka ee PAC, Cabdiqaadir Burburshe ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo joojiyay qaadashada dawada kaalmaatiga ah ee HIV, sababa la xiriira faquuqa ay la kulmaan.
Burburshe wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan siyaasad lagu xakamaynayo faquuqa ka dhanka ah dadka qaba cudurkan. Wuxuu kaloo sheegay inay ku howlan yihiin sidii loogu qancin lahaa inay dawada qaataan dadka joojiyay qaadashada dawada.