1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2024
Jubbaland oo beenisay in ciidamadii Saakay iska dhiibay Raas kambooni iney ka mid ahayeen ciidamadeeda
 

Axad, December, 1, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay ineysan jirin ciidan kasoo goostay Jubbaland oo isku dhiibay kuwa dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Jubbaland ayaa sheegtay in ciidanka lagu soo bandhigay Raas kambooni iney yihiin ciidankii dhawaan dowladda Fedaraalka ay diyaaradaha ku geysay deegaankaas.

"Goor hore oo saaka ah ayaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal sadex Doomood oo sidda ciidan lagu sheegay in ay yihiin kuwa daraawiishta Jubaland, hayeeshee aysan ciidankaasi aheyn ciidan Jubaland ka tirsan. Ciidankaan ayaa ah ciidamadii Diyaaradaha lagu geeyay deegaanka Raas-kaambooni, kuwaas oo hadba koox inta doon la saaro la leeyahay waxa ay iska soo dhiibeen ciidamada Jubaland" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Jubbaland.

Warsxafadeedkaan Jubbaland ay ku beenisay in ciidankeeda ay isku dhiibeen kuwa dowladda ee ku sugan Raas Kambooni ayaa imaanaya, iyadoo saakay dowladda Fedaraalka ay soo bandhigtay ciidan ka tirsana kuwa Jubbaland oo ilaa afar doomood saarna, kuwaas oo saraakiil u hadashayna ay sheegeen iney ka tirsanayeen ciidamada maamulka Jubbaland.

Tan iyo markii dib loo doortay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe 25-kii bishaan waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.