1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2024
Dowladda Masar oo baareysa 6 Qof oo Soomaali ah oo ku Geeriyootay dalka Masar

Axad, December, 1, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa 6 Ruux oo isku Qoys ah oo ku Geeriyooday dalka Masar kadib markii ay ku qabintimeen Gaaska guryaha ee la adeegsado xilliyada qaboobaha oo isagoo furan ay ka seexdeen sida ay warbaahinta u sheegeen ehelada dadkaan musiibadu ku dhacday.

Xasan Xirsi Xuseen oo la ehel ah dadkaan ayaa u sheegay TVga Universal in dadkaan xogtoodi ay waayeen wixii ka dambeeyay galinkii dambe Jimcihii, waxaana kadib uu sheegay inay bilaabeen inay safaarada Soomaaliya ee Qaahira la xiriiraan kadibna sidii lagu jabiyay albaabka Guriga ay deganaayeen.

Waxa uu xusay xubno kamid ah qoyskaan inay dhowaan kasoo laabteen dalka Turkiga halka kuwa kalana ay ka tageen Soomaaliya, hadda waxa uu shaaca ka qaaday in lagu xareeyay talaagad oo ay saraakiisha caafimaadka Masar ay baarayaan.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar Ismaaciil Cabdi Xuseen oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in laamaha amaanka Masar ay baaritaan ku wadaan dhacdadii ay ku geeriyoodeen 6da qof ee Soomaaliyeed oo isku qoys ka ahaa.

Qunsulka waxa uu sheegay in qoyskan ay ahaayeen kuwa muddo 5 cisho uun deganaa Qaahira una yimid arrimo Caafimaad, waxaana uu xusay in saraakiisha Masaarida ay kala cadeenayaan hadii dadkaan waxay u dhinteen kaliya uu ku egyahay Gaaska ama hadii ay jiraan wax kale oo dheeri ah.