1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2024
Xabsi u gaar ah Dumarka oo laga hirgaliyay Magaalada Muqdisho
 

Arbaco, December, 11, 2024 (HOL) - Waxaa Magaalada Muqdisho laga hirgaliyay Xabsi u gaar ah Dumarka, Xabsigaan oo laga dhisay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa gaar u noqon doona in lagu xiro Dumarka dambiyada kala duwan gala taas oo meesha ka saareysa baahida goobaha lagu xiraayo Dumarka Soomaaliyeed oo qaar kood uu ka dhaco dambiyo la xiriira gacan kahadalka iyo rabshadaha Qoyska quseeya iyo kuwa dambiyada dilka iyo waxyaabaha maanka dooriya lagu helo.

Qeybtan cusub ee xabsiga ah ee lagu soo kordhiyay ayaa ah xabsi si casri ah loo dhisay oo u gaar ah haweenka, taas oo loogu talagalay in lagu hubiyo ilaalinta xuquuqda haweenka ee ku jira gacanta booliska.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/G Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey saldhigga Booliska ee Degmada Xamar Jajab.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa ku wehliyey Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Soomaaliyeed  G/sare Mahdi Cumar Muumin  Guddoomiyaha  Degmada Xajajab  iyo Masuuliyiin ka kala socdey  Dhamaan  Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir.

“Xabsigan cusub wuxuu muujinayaa sida Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ugu heellan yahay inay xaqiijiyaan adeeg hufan oo xushmad leh, gaar ahaan marka ay timaado daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed,” ayuu yiri taliye ku xigeenka.

Taliyaha Booliska Degmada Xamar Jajab Raxma Sandheer oo hal abuurkaan lahayd ayaa sheegtay in Talaabadan ay muhiim u ahayd xoojinta kalsoonida bulshada ee ku aaddan hay’adaha ammaanka, iyadoo la hubinayo in qof kasta oo la xiro lagu hayo duruufo habboon oo u qalma sharaftiisa iyo karaamadiisa.