1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2024
Bashiir Goobe oo amar kubixiyay in dadka degan guriga Hooyooyinka ka guuraan
 

Arbaco, December, 11, 2024 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Qoyska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Bashiir Goobe oo shir jaraa'id ah ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka jawaabay eedeyn kulul oo uga timid Ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray hogaanka Ururkaasi oo uu ku eedeeyay inay ishortaag ku sameeyeen shaqaalaha Wasaaradda ee maanta u shaqo tagay Guriga Hooyooyinka.

Wasiir Bashiir Goobe ayaa sheegay in Dhismaha Hooyooyinka ay degan yihiin dad shacab ah, shirkado, warbaahin iyo Hay'addo Dowladeed, arrimahaani oo dhami ayaa keentay in lasoo saaro wareegto oranaysa in Wasaaradda Qoyska ay Guriga Hooyooyinka la wareegto, waxa uu Bashiir Goobe uu dusha uga tuuray Ururka Haweenka Qaranka inay ganacsi kiro ah ka qaadanayeen Shirkadaha, Warbaahinta iyo Shaqsiyaad kale oo Guriga hooyoyinka degaan ahaan u degay.

Bashiir Goobe ayaa u qabtay ilaa 31ka Bishaan December Hay'ad aan Dowli ahayn aysan daganaan karin Guriga Hooyooyinka kana guuraan, kuwa Hay'addaha Dowladda ee haaya Howlaha Qarankana ay muddo Todobaad ah ay iskaga diiwaangeliyaan Wasaaradda Qoyska.

Wasiir Bashiir Goobe ayaa qeexay halka ay dhibaatadu ka bilaabatay waxaana uu sheegay in Urur Gabdho kooban ay ku shaqeystaan uu noqday Guriga Hooyooyinka, todobaad ka hor ayuu xusay in ula tageen qorshe Hogaanka Ururka Haweenka ay ku qabsanayaan Doorasho oo Maamul Goboleedyada min shan qof ay uga yeeraan iyaguna ay keenaan 30 Haween uuna qorshahaasi ka diiday waxaana uu tilmaamay in doorashadu noqoto mida dalka hadda u jiheeystay ee ah doorasho Qof iyo Cod ah inay Ururka Qabsadaan iyadoo la raacayo nidaam ay Wasaaraddu u dejisay arrimahaasi.

Batuulo Gaballe oo ah Hogaanka sare ee Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta eedeeyn kulul dusha uga tuurtay Madaxda Dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay qorsheenayaan inay Xaraashaan Gurigaasi uuna wakiil arintaasi uga yahay Bashiir Goobe.