1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2024
Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku heshiiyay Dalka Turkiga
 

Khamiis, December, 12, 2024 (HOL) - Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wada hadaladii u dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaa oo ay garwadeen ka ahayd Dowladda Turkiga, waa markii ugu horeeysay tan iyo markii ay Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland oo ay madaxda labada Dowladood ay waji ka waji ay isku hor fadhiistaan ayna uga wada hadlaan khilaafkoodi.

Kulanka oo u dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaa garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan, waxaana ay labada dhinac ku heshiiyeen in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

War Murtiyeedka gabagabadii shirka laga soo saaray ayaa waxaa lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Soomaaliya.

Warka sidoo kale waxaa daaha looga qaaday in Arrimaha la xiriira adeegsiga badaha oo ku kooban ganacsiga ay labada dal u mari doonaan hab sharciyeed labada dal faa’iido u leh oo qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha, laguna saleynayo dhowrista qarannimada, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Dowladda Turkiga ayaa ah wadan si dhow saaxiib ula ah wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana uu isku xilqaamay xalinta Dowladahaan khilaafka ka dhaxeeyay oo gaaray xiriirkoodi meeshii ugu xumeyd.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Erdogan, shacabka iyo dowladda Turkiga, martigelinta kulanka iyo dadaalkii ay muddada 8-da bilood ku bixiyeen ka mira dhalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika.