1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2024
Jubaland oo sheegtay inay ka xuntahay dagaalkii ka dhacay Raas-Kambooni kuna baaqday wada hadal
 

Jimco, December, 13, 2024 (HOL) - Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga xuntahay dagaaladii ka dhacay deegaanka Raaskambooni, waxayna ku tilmaantay inuu ahaa mid murugo leh oo laga baaqsan karay dagaal dhex mara dhalinyaro Soomaaliyeed.

Waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo arrimo siyaasadeed, isla markaana uu ciidamo geeyey gobol nabdoon oo ka caagan amni darro muddo 13 sano ka badan.

Jubaland ayaa ku nuuxnuuxsatay in falalka noocaan ah ay wiiqayaan dib u dhiska hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada.

Jubaland ayaa ku baaqday in xooga la saaro sidii looga xoreyn lahaa deegaanada ay wali gacanta ku hayaan Al-Shabaab, inta la bartilmaameedsan lahaa gobolada nabdoon.

War saxaafadeedka ayaa lagu xaqiijiyay in Jubaland ay ka go’an tahay in dhammaan askarta dhaawaca ah loola dhaqmo si bini’aadantinimo, isla markaana loo sameeyo daryeel caafimaad oo dhameystiran, si nabad ahna loogu celiyo guryahooda, Waxa ay sidoo kale ku celiyeen in ay diyaar u yihiin wada hadal iyo in si nabad ah lagu xaliyo khilaafaadka siyaasadeed.

Ugu dambeyn War saxaafadeedka ayaa lagu yiri ‘Xalku waxa uu ku jiraa wada-hadal iyo isu-tanaasul, ee maaha mid qori caaradiisa lagu raadinayo.