1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo xaqiijiyay in Turkiga uu saldhig Dayax gacmeed ka dhisaayo Soomaaliya
 

Arbaco, December 18, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Turkiga uu ka dhisaayo Soomaaliya saldhig dayax gacmeed, taasoo sare u qaadaysa barnaamijka tijaabinta gantaallada riddada dheer ee qorshaha xukuumadda Ankara.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho in mashruucaan uu wax badan ka tari doono shaqo abuurka iyo dakhliga soo gala Soomaaliya.

"Aniga shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay in muhiimada ay Soomaaliya u leedahay in ay martigeliso xayndaabka dayax-gacmeedka ee Turkiga ay aad uga miisaan badan tahay balaayiin doollar iyo fursadaha uu mashruuca keeni doono," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warbaahinta Bloomberg ayaa bishii September ee lasoo dhaafay waxa ay bogeedi hore ku daabacday in Soomaaliya oo ku taalo cirifka bari ee dhul weynaha Afrika, Soomaaliya waa meel ku habboon in gantaallada laga rido badweynta Hindiya iyada oo aan khatar loo gelin in qashinku ku dhaco meelaha la deggan yahay ama dalal kale.

In Soomaaliya laga dhiso goob laga rido Dayax gacmeedka ayaa sare u qaadi doonta hamiga Turkiga ee ah in uu ku biiro tartanka hawada sare oo ay caado u ahayd in ay maamulaan quwadaha caalamka.

Turkiga ayaa muddo dhowr sano ah qorsheynayay in uu soo rido gantaal, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ma uusan shaacin goobta rasmiga ah ee laga fulinayo mashruucan saldhiga laga diraayo dayax gacmeedka.

Turkiga ayaa ka mid ah quwadaha shisheeye ee fara ku tiriska ah ee xoojinaya xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, iyadoo dalka Afrika uu doonayo inuu dib u dhis ku sameeyo ka dib dagaalo beeleedyo sanado badan socday.