1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2024
Dowladda Soomaaliya oo 147 Muwaadin oo ku xirnaa xabsiyada Libya dib ugu soo celisay dalka
 

Arbaco, December 18, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo hay’adda IOM ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 147 muwaadin oo si sharci-darro ah ku galay dalka Libya.

Muwaadiniintan ayaa laga soo badbaadiyey xabsiyo ay muddo dheer ku jireen iyo gacanta kooxo madax-furasho u heystay.

Muwaadiniintan, oo u badan dhalinyaro, ayaa laga dejiyey magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo muujiyey sida ay uga go’an tahay badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalalka dibadda.

Mid ka mid ah dhalinyarada la soo celiyey ayaa sheegay in xabsiyada Libya ay ku sugnaayeen xaalado adag, isagoo u mahadceliyey dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka qeyb qaatay badbaadintooda.

Safiirka Soomaaliya ee Libya Cabdi Cali Diiriye ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto soo celinta muwaadiniinta ku dhibaataysan dalalka dibadda, iyadoo iskaashaneysa hay’adaha caalamiga ah si loo xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ambassador Cabdi Cali Diiriye wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya inay dadaal walba u galayso sidii dalka loogusoo celin lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dibadda.

Wuxuu dhallinyarada lasoo celiyay ku dhiirri galiyay inay waddankooda joogaan, kuwa maqanna ku dhiirri galiyaan inay dalka dib ugusoo laabtaan.