1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2024
Raysal wasaare Xamse "Baasaboorka Soomaaliga inuu noqdo mid la tartama baasaboorada casriga ah ee Caalamka"
 

Arbaco, December 18, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qeyb galay munaasabada uu xilka kula wareegaayay agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.

Xamse Cabdi Barre oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in hoggaanka cusub ee hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha looga baahan yahay in Baasaboorka Soomaaliga inuu noqdo mid la tartama baasaboorada casriga ah ee Caalamka.

“Agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, waxaa horyaala shaqooyin badan oo ay ka mid tahay hufnaanta hay’adda, maadaama ay tahay mid ka mid ah hay’adaha ugu sarreeya ee bixiya adeegga bulshada, Hay’adda waa halka ay cid walba ka eegayso adeegga ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed, waana mid looga fadhiyo inay sameysi horumar ballaaran” ayuu yiri Raysal wasaare Xamza Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha ayaa u mahad celiyay agaasimahii hore ee hay'adda socdaalka iyo jinsiyadda shaqadii muhiimka ahayd ee uu dalka u soo qabtay mudadii uu xilkaan soo hayey.

Ugu dambeyntii Raysal wasaaraha ayaa kula dardaarmay Agaasimaha cusub ee xilka la wareegay inuu dadaalkiisa galiyo horumarinta iyo tayeynta adeegga guud oo ay hay’addu bixiso hay'adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya.