Hiiraan Online
12/2/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2024
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo maanta iska dhex doortay Gudoomiye iyo kuxigeen
Isniin, December, 2, 2024 (HOL) - Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta waxa ay iska dhex doorteen Gudoomiye iyo Gudoomiye kuxigeen si ay u dardar geliyeen Howsha loo igmaday, waxaana doorashadu ahayd hab gacan taag ah.
Xubnaha Guddigaan oo ka kooban 18 Xubnood ayaa 17 Xubnood oo Guddiga kamid ah ay si gacan taag ah ugu codeeyn inuu Gudoomiyaha Guddiga noqdo Cabdikariin Axmed Xasan, waxaana sidoo kale ay 17 Xubnood ay codka siiyeen Saadiq Abshir Garaad inuu noqdo Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga.
Cabdikariin Axmed Xasan oo doorashada kadib khudbad kooban ka jeediyay hoolka doorashada ka dhacday ayaa sheegay in howshoodi ay guda gali doonaan ayna dalka ka qaban doonaan Doorasho Qof iyo Cod, waxaana uu uga mahadceliyay xubnaha Guddiga mudada kooban ay magacaaban yihiin iyo howsha la qabtay, sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in Soomaalida ay ka gudbaan doorasho 4.5 ku dhisan ama mid dad badan, iyadoo loo gudbaayo nidaamka muwaadinka uu codkiisa ku dhiiban karo oo ah Doorasho Qof iyo Cod.
Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa si weyn u qaadacay xeerarkii Doorashooyinka oo ay Xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen, waxaana ay ku tilmaameen in loo baahan yahay in lasoo saaro xeerar doorasho wadar ogol ah.
Guddigaan Doorashada ee 18ka Xubnood ka kooban waxaa ansixiyay Golaha Wasiirada, sidoo kale iyagoo Dhowaan ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya, Waxaana ugu dambeyn lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee Madaxweynaha Soomaaliya.