1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 21, 2024
Itoobiya: Raadinteenna marinka badda waxay ku socotaa hab nabadeed oo ay faa’ido ugu jirto Soomaaliya

Sabti, December 21, 2024 (HOL) - Heshiiska Ankara ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa wax weyn ka tari doona nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada Geeska Afrika, ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga xiriirka arrimaha dibadda iyo nabadda ee baarlamaanka Itoobiya Fethi Mahdi.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, ayaa xusay in heshiiskan uusan ahayn mid guulo dublamaasiyadeed oo kaliya u soo hoyday Itoobiya iyo Soomaaliya, balse uu sidoo kale u yahay Midowga Afrika oo ku hawlan horumarinta nabadda gobolka.

"Ku dhawaaqida  heshiiska Ankara waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo arrimaha soo jireenka ah ee diblomaasiyadeed," ayuu raaciyay.

Xildhibaanka wuxuu sheegay raadinta Itoobiya ee hubinta helitaanka badda, inay ahayd arrin Itoobiya muhiimad qaran  u lahayd tobannaan sano, haddana ay ku socoto qaab nabadeed oo labada dhinacba faa'iido ku jirto.

Fethi waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay dejiyeen tusaale nabad ku wada noolaanshaha gobolka iyaga oo dib u xaqiijinaya in midba midka kale uu ixtiraamayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed.

Ballanqaadka ah in arrimaha la isku hayo lagu xalliyo wadahadal iyo diblumaasiyad ayaa hoosta ka xariiqaysa sida uu sheegay xildhibaanka, rabitaanka xooggan ee labada waddan ee ku aaddan xoojinta xiriirkooda.

Waxa uu sheegay in heshiiskaan uu waddada u xaarayo in Itoobiya ay hesho marin badeed la isku halayn karo iyada oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah oo ay la gasho Soomaaliya, iyada oo la hubinayo faa’iidada labada dhinac lana ilaalinayo madaxbannaanida Soomaaliya.

“Bayaanka Ankara wuxuu farriin adag u diraya xoogag shisheeye oo isku dayaya in ay ka faa’ideystaan khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, ayuu yiri xildhibaanka, isaga oo intaa ku daray in heshiiskan uusan ahayn mid kaliya oo looga hortagayo saameyntaas balse uu sidoo kale xoojinayo midnimada gobolka.

Fetih ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in heshiiska uusan ahayn guul u soo hoyatay Itoobiya iyo Soomaaliya balse uu yahay guul u soo hoyatay Geeska Afrika oo dhan.