1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2024
Madaxweynaha Somaliland oo soo jeediyay in wadahadal lagu dhameeyo colaadda gobollada Sool iyo Sanaag
 

Axad, December 22, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay inuu rabo in wadahadal lagu dhameeyo xasaradaha ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag.

Madaxweyne Cirro, oo kulan amniga lagaga hadlayay shalay la yeeshay madaxda xisbiyada mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Kaah, ayaa sidoo kale ciidamada millateriga ku amray inay si buuxda u difaacaan Somaliland.

“Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisu aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse ay tahay waajib dastuuri ah in dalka laga difaaco cadaw kasta oo isu soo bahaysta. Ciidamada Qarankuna waxay amar buuxa ku qabaan inay difaacaan dalka iyo dadkaba,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Cige Dayr.

Madaxweynaha ayaa mar kale gogol nabadeed oo aan shuruud lahayn ugu baaqay cid kasta oo ku lug leh colaadaha ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag, si loo gaadho xal ku dhisan is afgarad.

Xisbiyada mucaaradka ayaa, dhankooda, ballanqaaday inay barbar istaagayaan xukuumadda cusub, isla markaana ay kala shaqaynayaan difaaca iyo midnimada shacabka Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa marar badan sheegay inuu doonayo in si nabad ah xal loogu helo colaadaha soo noqnoqday ee gobollada Sanaag iyo Sool, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.