1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2024
Natiijada Dhimashada Laba Dhallinyaro oo si Lama Filaan ah Hargaysa ugu Geeriyooday oo La Shaaciyay
 

Isniin, December 23, 2024 (HOL) - Baadhis uu sameeyay Isbitaalka Wayn ee Hargaysa, ayaa lagu ogaaday in Huda Axmed Sh. Faarax iyo Xamse Axmed Yuusuf, oo dhawaan iyaga oo mayd ah laga helay baabuur dhexdii, ay u dhinteen hawo sumaysan oo uu soo daayay baabuurkii ay wateen.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka D.R. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, oo warbaahinta u akhriyay natiijada kasoo baxday baadhista, ayaa sheegay in labada marxuum anay u dhiman sun ay cabeen ama dil loo gaystay sidii la filayay.

“Waxaan ku samaynay baadhis dhamaystiran labada marxuun Waxaan baadhitaan ku samanay dheecaanada jidhkooda waanu ka waynay wax mukhaarad ah iyo wax sheegaya sun jidhka dibada ka soo gashay oo la xidhiidha cunto ama dawo ay qaateen ama biyo ay cabeen" ayuu yidhi agaasimuhu.

Waxa uu sheegay in ay u dhinteen gaas sun ah oo baabuurkooda kasoo baxday, isaga oo sheegay in gaastaasi ay kasoo baxday dalool uu baabuurku ku lahaa hoosta.

"Dhimashada labada marxuun kala ah Xamse Axmed Yuusuf iyo Huda Axmed Sh Faarax waxaa sababay maadada la yidhaahdo carbon monoxide oo ka soo baxday gaadhigii ay saarnaayeen gaadhigaas oo ka daloolay qaybta hoose" ayuu yidhi.

Wax uu sheegay in noocan gaasta ahi ay awood u leedahay in ay disho qofka bini'amka marka ay gaadho xadi, isla markaana anay hawadeedu lahayn ur ama qiiq. "Mudada ay qofka ku dishaa gaastaasu waa 5 daqiiqo ilaa 10 daqiiqo gaadhigii markaan dul tagnay waxaan ogaanay inuu jiro dalool gaadhiga ah gaastuna halkaa ka soo baxday” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Labada dhallinyarada ah ayay geeridoodu argagax galisay dadwaynaha Soomaalida, kadib markii subaxdii Khamiista maydkooda laga helay baabuur dhexdiisa, magaalada Hargaysa.