1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2024
Soomaaliya oo sheegtay inay meel marin doonto dhamaan heshiisyadii ay la gashay Dowladda Masar
 

Isniin, December 23, 2024 (HOL) - Shir jaraa'id oo ay si wadajir ugu qabteen magaalada Qaahira ee dalka Masar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi iyo Dhigiisa dalka Masar  Dr. Badr Abdul Ati ayaa diirada waxa ay ku saareen iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada Dowladood sidii loo xoojin lahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Abdul Ati ayaa sheegay inay ka go'an tahay Dowladda Masar inay ka qeyb qaadato Howlgalka cusub ee Nabad Ilaalinta ee ka bilaabanaya sanadka 2025 Soomaaliya si loo badelo Howlka ATMIS oo waqtiga ka dhamaanayo 31ka Bishaan December.

Wasiir Dr. Badr Abdul Ati waxa uu yiri " Dowladda Masar waxaa go'an inay mar waliba garab taagnaato Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya, Waxaan xaqiijineynaa mabda'a adag ee Masar ee ah in ay ixtiraamaan madax-banaanida Soomaaliya iyo midnimada iyo wadajirka dhulkeeda", Wasiirka waxa uu cadeeyay inay xoojin doonaan Booqashooyinka Labada Wasaaradood ee Soomaaliya iyo Masar, sidoo kalana ay yeelan doonaan Shirka Arrimaha horumarinta Dhaqaalaha ee sanadka 2025ka ka dhici doona dalkaasi Masar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa shaaca ka qaaday inuu Axmed Macalim Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda uu kala hadlay dhinacyada Siyaasada, amaanka, Militeriga iyo sidoo kale wadciga mandiqada Bariga Africa.

Dhinaca Kale Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar garab istaageedi Dowladda Soomaaliya, waxaana uu shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ka go'antahay inay meel mariso dhamaan heshiisyadii u dhaxeeyay labada Dowladood.