1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2024
Dowladda Eritrea oo sheegtay inay xiriirka u jari doonaan hadii ay cadaato in Soomaaliya ay marin biyood siisay Itoobiya
 

Arbaco, December 25, 2024 (HOL) - Cabdulqaadir idris oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Eritrea kala taliya Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin heshiiskii ay Dowladda Soomaaliya ay lagashay Dowladda Itoobiya.

Cabdulqaadir waxa uu shaaca ka qaaday in heshiiskii Ankara lagu saxiixay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ay ku dhameeyeen Khilaafkoodi, ay u arkaan heshiis uu ku jiro madmadow oo aan la isku halayn karin Itoobiya.

Waxa uu yiri " ma jirin heshiis gaat ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya" sidaasi waxaa Bbc da laanteedi afka Soomaaliga u sheegay Cabdulqaadir Idris oo ah lataliye Wasaaradda arrimaha Dibadda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya.

Lataliyahaan waxa uu xusay in marnaba aysan ka fileenin Dowladda Soomaaliya is heshiiska noocaasi oo kale ay gashay, waxa uu xusay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya hadii ay ogolaato in marin biyood ay siiyaan Dowladda Itoobiya oo khatar ku ah ayuu yiri xasillonida iyo amaanka guud ee Eritrea.

Waxa uu meesha ka saaray inaysan jirin Ciidamo ay usoo dirayaan Soomaaliya marka laga soo tago inay tababaro iyo latalin ay siinayaan Ciidanka Qaranka Soomaaliya, waxa uu xusay in muddo 20sano ah uu dalkoodi cuniqabateen u saaran yahay kaliya in lagu soo eedeeyay inay taageeraan kooxaha argagexisada Soomaaliya.