1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2024
Cabsi xoogan oo la soo daristay Soomaalida ku nool dalka Musambiig
 

Arbaco, December 25, 2024 (HOL) - Soomaalida ku nool dalka Musambiig ayaa wajahaya cabsi aad u xoogan oo la xariirta noloshooda iyo maalkooda, kadib markii ay sii xoogeysteen rabshado ka socda dalkaas oo ay dhigayaan taageereyaasha mucaaradka.

Rabshadaha ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 21 ruux ku dhinteen tan iyo markii Maxkamadda ugu sareysa ee dalkaas ay ku dhawaaqday  guusha xisbiga talada haya ee Frelimo.

Dadka dhintay rabshada ayaa la sheegay iney ku jiraan laba sarkaal oo Boolis ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka arrimaha gudaha Pascoal Ronda oo shir jaraa’id qabtay.

Dibadbaxayaasha iyo kooxaha mucaaradka ah ee dalkaasi Musambiig ayaa ku andacoonaya in doorashadii dhacday 9-kii Oktoobar ee sanadkaan la musuqmaasuqay.

Ugu dambeyntii hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalka Musambiig Venâncio Mondlane oo diidan in looga guuleystay doorashadii dhacday ayaa shaaciyay inuu isagu isku magacaabi doono madaxweyne 15-ka bisha ee socota ee Janaayo 2025-ka.