1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2024
Daraasad cusub oo daaha ka rogtay dayaca ka jira Kaabayaasha Caafimaadka Puntland
 

Khamiis, December 26, 2024 (HOL) - Hay'adda Cilmi-baarista ee SIDRA ee fadhigeedu Puntland ayaa soo saartay daraasad cusub oo walaac weyn ka muujinaysa dayaca weyn ee ka jira kaabayaasha caafimaadka Puntland iyo caqabadaha heysta bixinta adeegyada caafimaadka ee Puntland.

Daraasaddan, oo ay hay’addu sii daysay maanta, ayaa waxay iftiiminaysaa xaaladda adag ee waaxda caafimaadka dadweynaha ee Puntland iyo baahida loo qabo isbitaal casri ah oo gaar loo leeyahay.

Sida daraasadda lagu sheegay, waaxda caafimaadka dadweynaha ee Puntland guud ahaan waxaa haysta agab xaddidan, waxayna daraasaddu sheegtay in ay si aad ah ugu tiirsan yihiin taageerada deeq-bixiyeyaasha dibadda. Halka adeegyada caafimaadka gaarka loo leeyahay ay sii kobcayaan, balse ay ku shaqeynayaan nidaam aan hagaagsanayn oo aan dabooli karin baahiyaha bulshada ee xaaladaha degdegga ah, kuwa daba-dheeraaday, iyo kuwa adag.

SIDRA waxay sheegtay in ay baaritaan ku samaysay caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo bixinta adeegyada caafimaadka ee Puntland. Waxay sheegtay baahida loo qabo isbitaal casri ah oo bixiya adeegyo takhasus leh, si looga hortago safarada qaaliga ah ee dadka bukaanka ah ku aadaan dibadda.

Daraasadda sidoo kale waxay muujisay tabar-darrada jirta ee awoodda baarista caafimaad iyo shaqaalaha takhasuska leh ee Puntland, taasoo dhalisay niyad-jab iyo hoos u dhac ku yimid isticmaalka adeegyada gudaha.

Daraasadda ayaa ku soo gabagabeysay in isbitaal casri ah oo gaar loo leeyahay uu noqon karo xal waara, oo beddeli kara tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaadka ee Puntland, isagoo gacan ka geysanaya kor u qaadista caafimaadka bulshada iyo hoos u dhigidda kharashaadka qaaliga ah ee dadka ku qasba inay daaweyn ka raadsadaan dibadda.