Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2024
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay doorka Gobolka Banaadir ee Doorashada Qof iyo Codka
Khamiis, December 26, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka oo uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Guddigga Cabdikariin Axmed Xasan, waxaana diirada lagu saaray arrimaha ku saabsan Doorashooyinka Qof iyo Codka oo ay Dowladda Soomaaliya dooneyso in Soomaaliya guud ahaan laga hirgaliyo.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la wadaagay guddiga Doorashooyinka federaalka bandhig ku saabsan Himilooyinka iyo Ahdaafta Siyaasadeed oo uu Gobolka Banaadir ka leeyahay Doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashooyin toos ah oo ka dhaca Caasimadda Muqdisho iyo Doorka ay Dowladda Hoose ee Xamar ka qaadaneyso doorashooyinka Golaha Degaanka.
Waxaa sidoo kale inta kulankaan uu socday lagu soo bandhigay diyaar garowga Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Wacyigelinta Bulshada, ka gacan siinta guddiga ee goobaha diiwaangelinta, goobaha codbixinta, iyo in guddiga laga gacan siiyo dhamaan hanaanka diyaarinta kheyraadka ee doorashada ku qabsoomi karto.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa guddiga u xaqiijiyay ka go’naashiyahiisa iyo ka mira-dhalinta Ajandayaasha iyo Qorshaha Doorashooyinka dalka, si Gobolka Banaadir ay ugu dhacdo doorasho qof iyo cod, taasi oo qeyb ka ah qorshayaashiisa hortabinta u leh, asigoona guddiga u cadeeyay in uu ka taageeri doonno dhinac weliba.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa boogaadiyay hanaanka diyaar-garowga Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aadan in doorasho qof iyo cod ee ka dhacdo Caasimada dalka, asigoona sheegay in muddooyinkii ugu danbeeyay ay wadeen latashiyo bulsho, kulankaanna uu yahay kii ugu horeeyay oo ay la yeeshaan mid ka mid ah Maamulada dalka.