1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2024
Kalluumaysato Soomaaliyeed oo lagu la'yahay Xeebaha Muqdisho
 

Khamiis, December 26, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysiga Dan-kulmis ee magaalada Muqdisho Kamal Maki Aweys ayaa sheegay in ku dhawaad 10 qof oo ka mid ah kalluumeysatada ka jallaabta xeebtaha magaalada Muqdisho, ay muddo bil ah lagu la’yahay Badweynta Hindiya.

Kalluumeysatada ayaa loo maleynayaa in ilaa afar doonyood oo ay la socdeen ay saameyeen dabeylo xoog leh ama ay cilladi ku timid matoorrada doomahaasi.

Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysiga Dan-kulmis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in doonyahaan ay u saarnaayeen kallumaysatada la waayay min sedex Qof, waxa uu xusay inay jiraan kuwa lumay oo Markab Singabuur ah badbaadiyay, Sidoo kale waxaa jira doomo kale oo Maldevs gaaray kadib maalmo lagu waysanaa Biyaha Badweynta India.

Qaar kamid ah Kalluumaysato sidaan oo kale loogu waayay biyaha ayaa sheegay in badanaa dhibaatooyinka noocaani oo kale ay dhacaan xiliyada dabeelaha ama matoorka doonida oo cilad ku timaada.

Ciladaha kale ee la xusay waxaa qeyb ka ah in marka ay doonyaha biyaha ilaa 12 meyl oo kale ay galaan uu go'ayo qadkii internetka waxaana sidoo kale cilad ku imaan kartaa jiheeyaha oo qaar kamid ah Kalluumaysata ay adeegsadaan.

Dareenka Qoysaska dadkaan maqan ayaa ah mid kacsan oo ilaa hadda aan ogeyn nolol iyo Geeri waxa ay ku sugan yihiin, waxaana Gudoomiye Kamaal uu xusay inay qaar dadkaan dib ay usoo laabtaan halka kuwa kale ilaa hadda aan la garaneenin nolol iyo Geeri waxa ay ku sugan yihiin.

Ugu dambeeyn waxa uu ka dalbaday Wasaaradda Kallumaaysiga inay kalluumaysatada Soomaaliyeed u sameeyso qalab xiriir ah hadii ay lasoo daristo khatar dhanka noloshoodi ah.