1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2024
Odayaasha dhaqanka degmada Maxaas oo si kulul uga hadlay weerarkii Ceel baraf, fariina u diray dowladda
 

Jimco, December 27, 2024 (HOL) - Odayaal iyo wax garad ka tirsan beelweynta Xawaadle oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa si kulul uga hadlay askartii sida aragagaxa aheyd loogu dilay Shalay nawaaxiga deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Odayaasha ayaa ugu horeyn falkaas ka dhacay Ceel baraf ku tilmaamay mid aad u fool xun, waxayna dowladda Fedaraalka ugu baaqeen iney deg deg arintaasi wax uga qabto.

"Dadka la dilay maheyn shacab ee waxay aheyn ciidan qaran oo difaaca dalka u taagna, mar maahan laba maahan ee afar jeer ayay mari haysa tirada ciidan qaran wadada loogu galayo ee sida arxan darada loo dilayo dowladda hadii aysan 24 saac jawaab cad ka bixin wayso sidan yeeleyno diba ka sheegi doona" ayuu yiri mid ka mid wax garadkii kulanka ka hadlay.

Odayaasha iyo waxgaradka Xawaadle ee maanta ku shiray degmada Maxaas ayaa sidoo kale ku baaqay inaan wax jawaab celin ah la sameyn ilaa amar dambe.

"Mudo afar jeer ah ayaa halkaas degmo lagu beegsan haaya ciidanka Qaranka oo aan wax hub ah wadan oo fasax ku jira, dadka sidaas sameynaya waa kuwii ay cadawga ka difaacayeen dowladdu waa ogtahay anagana qabiil ahaan waan ognahay, waxaana isku waafaqnay inaan wax talaab ah aanannla qaadin mudo 24 saac ah oo dowladdu aan ka sugeyno talaabada ay qaado" ayuu yiri mid ka mid ahaa Nabadoonadii kulanka ka hadlay.

Shirkaan deg dega ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay galab askar u dhalatay beesha Xawaadle oo tiro ahaan gaarayay ilaa 6 ruux arimo la xariira aano qabiil loogu dilay nawaaxiga Ceel baraf, waxaana dhacdaasi aad uga xumaaday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.