Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2024
Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada qabaailka ku saleysan ee ka dhacaya gobolada Dalka
Sabti, December 28, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta waxa uu shir guddoomiyay kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Jogtadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.
Sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Golaha Shacabka, waxaa Shirkaan guud ahaan diirada lagu saaray arrimaha dagaalada qabaailka ah ee kasoo cusboonaaday gobolada
dalka
.
Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay colaad beeleedyada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolada dalka, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xiligan dhiiga muwaadiniin Soomaaliyeed aano qabiil loo daadiyo.
Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe wuxuu beelaha isku haaya Gobolada dalka ee dagaalada qabaailka uu dhex maraayo ugu baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.
Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray hay’adaha ay quseyso in dadka walaalaha ay dirirtu u dhaxeyso nabad dhex dhigaan wixii tabasho ah ee jirana miiska wada hadalka lagu dhameeyo.