1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2024
Madaxweynaha Cirro: Meel Fiican Ayay Marayaan Dadaallada Lagu Soo Afjarayo Colaadda Dacawalay
 

Sabti, December 28, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay iska kaashanayaan sidii loo joojin lahaa colaadda ka aloosan deegaanka Dacawalay ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in colaadda si nabad ah lagu dhammeeyo, isagoo xusay in dhinacyada ay wadaan wada-hadallo lagu soo afjarayo xiisadda.

"Meel fiican ayay marayaan dadaalladii arrinta lagu soo afjarayay iyo wada-hadalladii ka dhexeeyay Somaliland, Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Dowladda Deegaanka Soomaalida," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro. "Waan ka xumahay dhibaatada dhacday; waajibka ugu weyn ee maanta ina saarani waa in aan nabadda soo celino."

Saraakiil sarsare oo ka socda Somaliland iyo Itoobiya, oo dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Jigjiga, ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah oo lagu joojinayo colaadda, iyo in lagu dhammeeyo xasaradda si nabadgelyo iyo wada-xaajood ah.

Colaadda Dacawalay ayaa ka kacday muran dhuleed oo u dhexeeya laba beelood oo deegaanka wada dega. Waxaana markii dambe ciidamada Liyu-ga ee Deegaanka Soomaalida ay dad rayid ah ku laayeen deegaanka, kadib howlgal ay ku sheegeen in ay kula dagaalamayeen maleeshiyaad hubaysan.

Somaliland ayaa tallaabada ciidamada Liyu-ga ku tilmaantay 'xasuuq'. Maaddaama dadka deegaanka ku nool ay degaan Somaliland iyo Itoobiya labadaba, xukuumadda Somaliland ayaa ka hawlgashay sidii loo joojin lahaa colaadda.