Sabti, December 28, 2024 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah ay soo saartay waxa ay kusoo jeedisay baaq nabadeed dagaalada qabaailka ah ee ka socda gobolada dalka, waxaana ay ku baaqday in waxgaradka ay qaataan doorkoodi joojinta dhiiga micna la'aanta lagu daadinayo dhul Soomaaliyeed.
Wasaaradda waxa ay baaqeedi nabadeed ku tiri "Waxaan ka xunnahay colaadaha iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka, Wasaaraddu waxay ku baaqeysaa in la joojiyo colaadaha, beegsiga iyo barakicinta shacabka ee sababtay khasaaraha lixaadka leh ee iskugu jira dhimasho, dhawac iyo barakac.".
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay ugu baaqday Maamullada, Odayaasha dhaqanka, Culimada, Haweenka iyo guud ahaan waxgaradka shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan joojinta colaadaha, kana shaqeeyaan Xasilloonida iyo sidii nabad waarta loo heli lahaa.
24kii saac lasoo dhaafay meelo badan oo kamid ah Gobolada dalka waxaa laga soo wariyay dagaalo dhanka qabaailka ah oo dhiig badan ay ku daateen.