1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2024
Xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Puntland oo taageeray dagaalka ka dhanka ah Daacish
 

Sabti, December 28, 2024 (HOL) - Xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland, ayaa taageero buuxda u muujiyay dagaalka ay Puntland iyo ciidamadeeda amnigu kula jiraan kooxaha ISIS iyo Al-Shabaab, kuwaas oo ka hawlgala gobolka Bari.

War-saxaafadeed ay soo saareen xubnahan ayaa lagu bogaadiyay dadaalka iyo adkeysiga Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, iyo ciidamada amniga ee ku wajahayan argagixisada.

Waxay sheegeen in howlgallada milatari ee dhowaan ka bilowday gobolka Bari ay yihiin kuwo cad oo ka tarjumaysa sida Puntland uga go’an tahay in la sugo amniga shacabka iyo xasilloonida deegaannada Puntland.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay mideeyaan dadaalladooda dagaalka ka dhanka ah argagixisada, si loo xaqiijiyo mustaqbal nabadeed oo loogu daneynayo dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Waxay xuseen in midnimada bulshada ay tahay hubka ugu weyn ee lagu wiiqi karo khatarta kooxaha argagixisada.