Axad, December 29, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada dalka Jabuuti dhigiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin sarsare oo ka tirsan labada dowladod, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Labada dhinac ayaa sidoo kale kulankooda uga arrinsaday xaaladda guud ee gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal iyo walaalnimada labada shacab ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Madaxweynha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa tilmaamay in Soomaaliya ay maanta soo gaartay dhamaadka howlgalkii Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, islamarkaana uu bilaaban doono howgal kumeel gaar ah oo mudo kooban socon doona, kaasoo lagu magacaabo AUSOM.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in qorshaha uu yahay in dhawaan ay si buuxda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ula wareegaan guud ahaan amniga dalka, wuxuuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaaltinimada leh oo ay u garab taagan yihiin dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.