Talaado, December, 3, 2024 (HOL) - Koox hubeysan ayaa weerar xooggan ku qaaday xarun jir dhis oo ku taala Degmada Heliwaa, waxaana weerarkaas lagu dhaawacay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada ee Degmada Daaru Salaam Guure Maxamed Xirsi oo howl Jimicsi fiisiyo tarbiya loogu sameenayay, waxaana kooxda sidoo kale ay ku dileen qofkii Milkiilaha ahaa Goobtaasi.
Dhacdadan ayaa gilgishay bulshada dhexdeeda, iyadoo ay walaac ka muujiyeen falalka amni darro ee gobolka Banaadir dhowanahaan ka dhacayay.
Ragga weerarka soo qaaday ayaa beegsaday Guddoomiye ku xigeenka, waxaana soo gaaray dhaawac culus. Isla weerarkaas, waxa ay si xun u toogteen milkiile jir-dhis, iyaga oo madaxa ka toogtay.
Wali ma cadda sababaha ka dambeeya weerarka, balse weerarada noocaani oo kale ah waxaa magaalada ka geeysta Kooxda Al-shabaab.
Weerarka kadib, kooxihii hubeysnaa ayaa goobta isaga baxsaday, iyagoo qaatay gaari Toyota Prado ah oo uu lahaa Guddoomiye ku xigeenka la dhaawacay iyo Qoryo laba gaaraya oo ay ka carareen ilaaladii Gudoomiyaha oo goobta ka baxsaday markii ay rasaasta ay ka bilaabatay gudaha xarunta Jirdhis.
Maamulka Degmada ayaa durba bilaabay howlgal amni sugid ah oo lagu baadi goobayo kuwa falkaasi degmada ka fuliyay.