1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2024
Madaxweynaha La Doortay ee Somaliland oo Taageeray Isfahanka Somaliland iyo Itoobiya
 

Talaado, December, 3, 2024 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay hoggaaminta Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa soo dhaweeyay isfahanka Somaliland iyo Itoobiya.

Sida lagu sheegay warbixin ay qortay Africa Confidential, Cirro waxa uu si buuxda u taageeray isfahanka Somaliland iyo Itoobiya, oo dhigaya in Itoobiya ay hesho marin badeed, Somaliland-na ay aqoonsi ka hesho Itoobiya.

"Madaxweynaha la doortay Cirro, waxa uu caddeeyay in uu si buuxda u taageersanyahay isfahanka Addis Ababa, kaasi oo dhigaya in Itoobiya ay hesho marin badeed, Somaliland-na aqoonsi" ayaa lagu yidhi warbixinta Africa Confidential.

Madaxwaynaha la doortay ayaa hore u sheegay in aanu wali heshiiska arag, lakiin marka uu arko uu go'aansan doono waxa uu ka yeelayo, Cirro ayaa dhawaan kulan la yeeshay Madaxweyne Biixi, iyada oo laga yaabo in labada madaxweyne ay wax iska waydiiyeen isfahankan aan wali fulin.

Isfahanka Somaliland iyo Itoobiya oo la saxeexay 1 January, 2024, ayaa 11 billood kadib aan wali loo badalin heshiis rasmi ah, dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa isfahanka si gaar ah uga xumaaday, iyada oo Soomaaliya ay sheegtay in uu xad gudub ku yahay madaxbannaanideeda, Jabuutina ay arrimo dhaqaale awgeed uga hor timid.