Isniin, December 30, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa codsi u dirtay dowladda Burundi si ay Soomaaliya ugu soo dirto koox farsamo oo ka shaqaysa arrimaha bixitaanka ciidamada Burundi ee ku sugan Soomaaliya.
Ujeeddada codsigan ayaa ah sidii labada dhinac uga wada xaajoon lahaayeen wareejinta mas'uuliyadaha ay ciidamada Burundi gacanta ku hayaan iyo sidii loo dejin lahaa jadwal habsami leh oo arrintan lagu fulin karo.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF) aysan qeyb ka noqon doonin Howlgalka Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM). Wasiirka ayaa intaa ku daray inay aad uga xun yihiin is-afgarad la'aanta ka dhalatay qoondada ciidamada Burundi ee howlgalka cusub.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si qoto dheer uga mahadcelineysaa taageerada iyo wadajirka ay muujisay Jamhuuriyadda Burundi, gaar ahaan dadaalka weyn ee ay ciidamadeeda Qaranku ka geysteen nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca.
Wasiirku wuxuu sidoo kale caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay bilaabeyso tillaabooyin cadcad oo lagu xaqiijinayo in mas'uuliyadaha ciidanka Burundi ay si habsami leh ugu wareegaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Wuxuu ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay ixtiraamayso go'aanka Burundi, islamarkaana ay ka go’an tahay sii wadista iskaashiga labada ee ku dhisan kalsoonida iyo wadajirka.