1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 31, 2024
Puntland oo canshuur dhaaf u sameysay gaadiidka ka yimaada dowlad deegaanka, kuwaas oo saameeyeen colaadda Dawacaley

Talaado, December 31, 2024 (HOL) - Puntland ayaa soo saartay awaamiir cusub oo lagu xoojinayo xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya Itoobiya, gaar ahaan Dowlad-deegaanka Soomaalida.

Awaamiirta ayaa xoogga saaraysa in canshuurta soo gelidda laga dhaafo gaadiidka xamuulka ah ee ka yimaada dowlad deegaanka, kuwaas oo kusoo xiranaya dekedda Garacad maalmihii ugu dambeeyay.

Colaadda ka jirta Dawacaley ayaa si weyn u saameysay dhaq-dhaqaaqii gaadiidka xamuulka ah ee ka imaan jiray Dowlad-deegaanka Soomaalida, kuwaas oo hore badeecooyinka uga soo qaadan jiray dekedda Berbera. Haddase, inta badan gaadiidkan ayaa u wareegay isticmaalka dekedaha Boosaaso iyo Garacad si ay u sii wadaan howlaha ganacsigooda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay in gaadiidka xamuulka ah ee ka yimaada Itoobiya si ku-meel-gaar ah looga dhaafay canshuuraha ku saabsan soo gelidda, gaar ahaan canshuurta furdooyinka ee ku waajibtay gaadiidka iyo Canshuurta la xiriirta taarikada

Dhamaan kantaroolada Puntland ayaa lagu amray inay si buuxda ula shaqeeyaan gaadiidka xamuulka ah, iyaga oo ka caawinaya isu socodka wadooyinka illaa ay ka gaaraan dekedaha Garacad iyo Boosaaso.